Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay kumannaan geel ah qaadeen
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay kumannaan geel ah qaadeen

Mid ka mid ah beelaha xoola dhaqatada ah ee ku nool deegaanno ku yaalla galbeedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab ay ka kaxaysteen geel kumanaan ah oo ay lahaayeen.

Al Shabaab hore looguma aqoon inay xoolo qaadaan, hase yeeshee tallaabadan ayaa la fahamsan yahay inay tahay mid ay ku ciqaabayaan beesha, oo loo arko inay taageersan tahay maamulka Jubbaland.

Ugaas Xasan Sh. Ibraahim wuxuu ka mid yahay odayaasha dhaqanka ee beesha geela laga qaaday, Farah Lamaane ayuuna uga warramay tirada geela laga dhacay.