Jacob Zuma oo ay teendho ku soo duntay

Lahaanshaha sawirka SABC
Image caption Dad badan ayaa teendhada ku jiray markii ay dabayshu fujisay

Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma ayey khasab ku noqotay inuu gabbaad raadsado, ka dib markii teendho uu gudaheeda khudbad ka jeedinayey ay duntay.

Dabaylo xoog leh iyo roob ayaa kala jeexay teendhada, halkaasoo uu Mr Zuma ugu khudbaynayey dad xusayey maalinta dib-u-heshiisiinta.

Fiidiyow la soo dhigay baraha bulshada ayaa laga arkay dadka oo kala cararaya, ayadoo teendhadana ay xagga sare u fuqday, waxaana madaxweynaha uu halhaleel uga cararay minbarkii uu khudbadda ka jeedinayey.

Ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo la soo weriyey intii ay socotay dabaysha ku dhufatay Gopane oo ku taalla gobolka waqooyiga galbeed ee Koofur Afrika.