Qaraxyo ka dhacay dalka Mexico oo 29 qof ay ku dhinteen

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Qaraxyo ka dhacay Mexico

Qaraxyo is xigxigay oo aad u badan ayaa waxay ka dheceen suuq ku yaalla duleedka caasimadda dalka Mexico.

Suuqa ayaa lagu iibiyaa rashka iyo baaruud xilliyada dabaaldegyada la adeegsado. Maamulka dalkaasi wuxuu sheegayaa in ugu yaraan 29 qof ay ku dhinteen.

Sidoo kale, tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxyada.

Muuqaal la yaab leh oo si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa.

Mexico: Xuska maalinta mowtada (Sawirro)

Qabuuraha ka qaalisan guryo badan!

Ka dibna meesha waxaa la arkayay qaraxyo si is-xigxiga u dhacaya iyo holac iyo qiiq hawada isku shareeray.

Lahaanshaha sawirka MEXICAN RED CROSS / TWITTER
Image caption Dabka ayaa hadda la demiyay

Dadka ayaa ka kala cararay suuqa San Pablito cabsi aawadeed.

Dhacdooyiin tan la mid ah ayaa suuqan baabi'iyay sanadkihii 2005 iyo 2006-dii.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan