Yurub oo si weyn u raadineysa Anis Camri oo looga shakiyay weerarkii Berlin

Farriinta booliska ay soo saareen ee Anis Camri oo af-Faransiis ku qoran Lahaanshaha sawirka GERMAN INTERIOR MINISTRY
Image caption Farriinta booliska ay soo saareen ee Anis Camri oo af-Faransiis ku qoran

Boorarka ninka la doondoonayo ayaa lagu arkayaa dhammaan Yurub, halkaas oo baadi goob loogu jiro wiil 24 sano jir oo Tunisiya u dhashay.

Waxaa looga shakisan yahay weerarkii lagu qaaday suuq ku yaalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Anis Camri horey ayey laamaha amniga u garanayeen, waxaana loo arkayay halis maadaama lala xiriirinayo daacish.

Waxaa loo diiday inuu megengelyo ka helo Jarmalka, balse waxaa loo ogolaaday deganaansho ku meel gaar ah oo illaa uu ka baxayo uu haysan karo.

Jarmalka: 'Ma hubno qofka aan hayno inuu yahay kan weerarka gaystay'

Jarmalka oo indhashareerka laga mamnuucayo

Jarmalka oo xiray nin aragagixisonimo lagu tuhmay

Kaarkiisa aqoonsiga waxaa laga helay gaariga xamuulka ee weerarka loo adeegsaday.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay 12 qof ka dib markii gaariga uu jiirsiiyay.

Ninkii loo haystay weerarkii suuqa Berlin oo la soo daayay

Saraakiisha dalka Jarmalka waxay sheegayaan in Anis Camri loo maleynaayo inuu hubeysan yahay halisna yahay.

Waxay ballan qaadeen 100 kun oo dollar in la siinayo qofkii sheega akhbaar sababi karta in la soo xiro.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan