Ugu yaraan 28 ku dhimatay qaraxyo ka dhacay bartamaha suuq ku yaalla Baqdaad

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay dad badan ku sugnaayeen Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay dad badan ku sugnaayeen

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay, 40 kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaalla Baqdaad.

Saraakiisha dowladda Ciraaq ayaa sheegaya in labada qarax ay ka dheceen bartamaha suuqa.

Suuqa la qarxiyay waxaa lagu iibiyaa qalabka gawaarida, sida Booliska ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Xaflad aroos oo lagu qarxiyay Ciraaq

Soddon iyo lix ruux oo Ciraaq lagu daldalay

Al-Baqdaadi oo fariin cod ah soo diray

Wasiirka arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa laga soo xigtay in qof uu is qarxiyay, ka dibna dadkii u soo gurmaday dhaawaca lagu qarxiyay gaari.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtay in dagaalyahannadeeda ay fuliyeen weerarkaasi is miidaaminta ahaa.

Daacish ayaa fuliso weeraro ku dhow inay maalinle noqdaa oo qaraxyo iyo rasaas isugu jira.

waxay badankooda la eegtaan meelaha dadka ay ku badan yihiin ee caasimadda Baqdaad.

Laakiin, xarunta ay ugu xoogga badan yihiin ee dhanka Waqooyiga, ciidamada ayaa ka wado dagaal aad u xoog badan.

Sawirro: Ciidamada Ciraaq oo sii galaya Mosul

Moosil ayaa laga saaray inteeda badan dagaal yahanada daacish, balse dhaqdhaqaaq ayey ka muujinayaan qeybaha kale ee dalka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Xaafadaha qaar Moosil oo biyo iyo cunto la gaarsiiyay

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan