Nigeria oo siinaysa lacag dadka ugu saboolsan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhaqaalaha Nigeria ayaa waxaa saameeyay qiimaha shidaalka ee hoos u dhacay

Dowladda Nigeria ayaa bilawday barnaamij cusub oo bil walba lacag lagu siinayo hal milyan oo qof oo ah dadka ugu saboolsan waddanka.

Wareega koowaad oo qof walba la siinayo lix iyo toban dollar bishii, ayaa ka bilawday sagaal ka mid ah siddeed iyo lixda gobol ee Nigeria.

Intaan la dooran 2015-kii madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa balanqaaday inuu wax ka qabto saboolnimada iyo musuqmaasuqa.

Waxaa jira walaac laga qabo barnaamijkan sida uu u shaqaynayo, iyadoo aysan jirin tirikoob dhawaan la sameeyay iyadoo ay ahayd ilaa boqol iyo toddobaatan milyan oo qof tirada dadka.

Dowladda Nigeria oo shaqo siinaysa laba boqol oo kun oo shaqaale

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan