Colaadda Israa'iil iyo Falastiiniyiinta: Fransiiska oo martigalinaya shirweyne caalami ah

Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ayaanan si rasmi ah u kulmin tan iyo 2014 Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ayaanan si rasmi ah u kulmin tan iyo 2014

Shirweyne caalami ah oo lagu doonayo in lagu bilaabo wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ayaa lagu qabtay magaalada caasimadda u ah waddanka Faransiiska ee Paris.

Wufuud ka kala socota 70 dal ayaa la filayaa inay markale caddeeyaan taageerada ay u hayaan xalka labada dal ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda taagneyd mudada tobannaanka sana ah.

Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay shirka hasayeeshee Israa'iil oo aanan shirkaa ka qeybgalayn ayaa sheegaysa in shirka iyada looga soo horjeedo.

Wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadalladii tooska ahaa ayaa burburay bishii Abriil ee 2014 kaddib markii ay xaaladdu qaraaraatay.

Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ayaa loogu yeeray inay dhageystaan waxa ka soo baxa gebagabada shirka, hasayeeshee laguma casuumin inay shirka ka qeybqaataan.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay xiisadi ka dhex taagan tahay Israa'iil iyo beesha caalamka kaddib markii ay Qaramada Midoobay bishii la soo dhaafay meelmarisay qaraar ay ku diidan yihiin dhaqdhaqaaqyada ay Israa'iil deegaamaynta uga waddo dhulka ay haysato.