Xildhibaan Cabdi Xaashi oo loo doortay gudoomiyaha Aqalka Sare

Xildhibaan Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare
Image caption Xildhibaan Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare

Xildhibaan Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa ku guuleystay doorashada gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Xildhibaanada codeeyay ayaa 52-xubnood ahaa. Xildhibaan cabdi xaashi wuxuu helay 43 ka mid ah codadkii la dhiibtay, halka xildhibaanka la tartamaayay ee Mustaf Qodax na uu helay sagaal cod oo keli ah.

Beesha caalamka: Dambiilayaal yaan baarlamaanka cusub lagu darin

Geedi-socodka cakiran ee doorashada Soomaaliya

Image caption Cabdi xaashi waxaa kursiga kula loolamay Mustaf Qodax

Codeynta oo saaka dhacday waxaa lagu qabtay xarunta Aqalka sare ee Soomaaliya ee magaalada muqdisho.

Image caption Mid ka mid ah xildhibaanada oo codeynaaya, waxaa gadaal ka muuqdo Ra'iisul wasaare Cumar cabdirashiid

Sidoo kale, xildhibaan Abshir Maxamad Axmed ayaa loo doortay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Waxay illaa wareegga seddaxaad isla gaareen xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow oo markii dambe uu ka adkaaday.

Image caption Xildhibaan Abshir Maxamad Axmed

Xildhibaan Abshir ayaa helay 30 cod, halka Cabdi Axmed Dhuxulow uu helay 22 cod, iyadoo tirada codeynaysay ay ahaayeen 52 xildhibaan.

Gudoomiya ku xigeenka labaadna waxaa loo doortay xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad oo helay 28 cod, wuxuu ka guuleystay xildhibaan Cabdikafi Macalin Xasan oo helay 24 cod.

Image caption Doorashada inteysan billaaban sanetarro cusub ayaa goobta lagu dhaariyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo sida codeynta ay u dheceyso

Muqdisho dhowaan waxaa lagu qabtay doorashada gudoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenadiisa.

Jawaari oo mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka Hirshabeele oo madaxweyne doortay

Marka ay soo gaba gaboobaan doorashooyiinkan waxaa la filayaa in loo gudbo midda Madaxweynaha oo musharrixiin badan ay u tartamayaan.

Image caption Xarunta cusub ee Aqalka Sare ee sida ku meel gaarka ah uga howlgaali doonaan

Xarunta Aqalka Sare ee cusub ayaa ah dhismo dhowaan la dhisay oo loogu talagalay in gabdhaha ay ku bartaan farsamada Gacanta.

Balse, Halkan waxay fariisin u noqon doontaa golaha Sanetka ee Soomaaliya si ku meel gaar ah, waxayna ka guuri doonaan marka meel loo dhiso.

QM: Siyaasiyiin ayaa faragelinayso hanaanka doorashada Soomaaliya

Doorashadii maanta: Muudday oo Faarax ka badiyey

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: 'Musuq iyo handadaad' hareeyay doorashada Soomaaliya

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan