Booliska dalka K/Afrika oo qabtay 5,000 oo harag dameer ah

Dameero Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Haragga dameeraha ayaa qiimo ka leh dalka Shiinaha oo looga isticmaalo daawo ahaan.

Booliska dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya inay baarayaan ganacsi xaraan ah oo ku saabsan haragga dameeraha, ka dib markii ay qabteen 5,000 oo maqaar.

Howlgal ay booliska ka sameeyeen duleedka magaalada Johannesburg ayaa lagu soo qabtay haraggaas.

Booliska waxay ka shakinayaan in dameero si sharcidaro ah loo qalay laga saaray maqaarkan, kaas oo loo waday dalka Shiinaha.

In haragga intaa la eg la soo qabto ayey booliska ku sheegeen inay dhabar jab weyn ku tahay kooxaha ka shaqeeya kotorbaanka.

Dhoofka dameeraha oo laga mamnuucay Niger

Dowladda Nigeria: Bariiska caag ma ahayn

Ganacsiga haragga dameeraha ayaa laga faa'iidaa malaayiin dollar taas oo sabab u ah, Shiinaha oo looga isticmaalo daawo ahaan.

Dadka qaar ee Shiinaha ayaa aaminsan in haragga uu daawo u yahay dumarka ay caadada ku xiranto.

Sidoo kale waxay u adeegsadaan daaweynta hurdo la'aanta iyo wareegga dhiigga.

Howlgalka booliska ay ku soo qabteen haragga oo ka dhacay Benoni ayaa ka dhashay ka dib haweeney ka cabatay urka hilib qurmay.

Booliska qofna umeysan soo xirin arrintaas balse waxay sheegayaan inay hayaan macluumaad ku saabsan kooxda laga shakisan yahay inay gowreceen oo dhuufineysay haragga.

Xiridda suuqyada foolasha maroodiga oo lagu heshiiyay

Itoobiya iyo Djibouti oo furay tareen isku xiraya labada waddan

Ciidamada amniga ee South Afrika waxay sheegayaan in xatooyada iyo qalidda dameeraha ay dhowaanahan ku soo badanayeen dalkaas tan iyo 2015-tii.

Sanadkii tagay, dalka Burkina Faso ayaa mamnuucay dhoofinta haragga dameeraha.

Dhanka Niger, dowladda waxay sheegtay in sare u kaca ka ganacsiga sharcidarada ah ee dameeraha ee loo qaado Aasiya ay halis gelisay tirada dameeraha ee dalkaasi.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan