Madaxweynaha cusub ee Gambia oo dalkiisa dib ugu laabtay

Adama Barrow Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow, ayaa dib ugu laabtay dalkiisa si uu awooda ula wareego. Dadweyne badan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee caasimadda Banjul.

Barrow ayaa isbuucii la soo dhaafay lagu dhaariyay dalka Senegal.

Hogaamiyayaasha galbeedka Afrika ayaa ku qanciyay madaxweynihii hore ee dalkaasi Yaxya Jammeh inuu xilka baneeyo isbuucii la soo dhaafay.

Wuxuu hadda ku sugan yahay dalka Equatorial Guinea.

Madaxweynaha Gambia oo la dhaariyay

Yaxya Jammeh oo gaaray dalka Equatorial Guinea

Barrow ayaa laga dalbaday inuu si deg deg ah dalkiisa ugu noqdo si looga baaqsado in dalku uu hogaamin waayo.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DHageyso: Madaxweynaha Gambia oo si weynloo soo dhaweeyay

Kumannaan ciidammo ka socdo dalalka galbeeda Afrika ayaa ku sugan dalka Gambia iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ciidammo wali taabcan jammeh ay ka tirsan yihiin xooggaga amniga Gambia.

Madaxweyne Barrow waxaa safarkiisa ku wehlin doono ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan galbeedka Afrika Maxamed ibn Chambas oo sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan siin doonto dowladda gambia sugidda amniga.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan