Gabdho baraha bulshada lacag ugu uruurinaya dadka ay abaarta saameysay

Gabdho baraha bulshada lacag ugu uruurinaya dadka ay abaarta saameysay

Dumar Soomaliyeed oo isugu jira kuwo qurbaha jooga iyo qaar kaloo gudaha soomaliya jooga ayaa bilaabay iskooxaysi ay ku sameeyeen barta whatsApp-ka loo yaqaano oo ah masrax ay bulshada ku wada xiriirto.

Dumarkan waxay masraxan ku aruuriyeen kumanaan dollar oo ay ku samaynayaan biyo dhaamin iyo waliba ceel biyood cusub oo ay ka dhisayaan degmada Afmadoow.

Baarliin Deeq xaaji Khaliif ayaa ka mid ah aasaasayaan howshan.Waxay u warantay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.