Duterte oo wakhtiga u kordhiyay dagaalka daroogada ee Filibiin

Duterte ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono askarta musuqmaasuqa samaysa Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Duterte ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono askarta musuqmaasuqa samaysa

Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte ayaa kordhiyay wakhtiga uu wadayo dagaalka ka dhanka ah daroogada isaga oo sheegay in uu socon doono ilaa 2022ka, wuxuuna ballan qaaday in uu meesha ka saari doono booliiska musuqmaasuqa sameeya.

Duterte ayaa horay u sheegay in uu bilo socon doono dagaalka ka dhanka ah daroogada oo uu ballan qaaday intii uu ku jiray ol'olaha doorashada balse muran dhalisay.

Kumanyaal lagu eedeeyay daroogo ayay booliisku dileen iyagoo adeegsanaya xukunka dilka fasaxaya.

Tiro saraakiil booliis ah ayaa sidoo kale ka qaybqaatay afduub iyo dil aad loola yaabay oo loo gaystay nin ajnabi ah oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed sanadkii hore.

Duterte ayaa ballan qaaday in uu dhibaatada daroogada ka cirib tiridoono dalkiisa bishii Disembar ee sanadkii hore, wuxuuna markii dambe ku kordhiyay ilaa bisha Maarso ee sanadkan.

Madaxweynaha oo shir jaraa'id qabtay ayaa saxafiyiinta amin dambe oo Axaddii ah u sheegay in uu dagaalka daroogada wadi doono ilaa iyo maalinta ugu dambaysa ee xilkiisa.

Dalka Filibiin xilka madaxweynuhu waa hal jeer oo lix sano ah.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay wakhti u kordhinta dagaalka daroogada maadaama oo uu yaraystay dhibaatada ay daroogadu ku hayso dalkaas.

Dagaalka ka dhanka ah daroogada ayaa ciwaanadda caalamka qabsaday waxaana aad u dhaliilay qolyaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa iyo dalalka reer Galbeedka, inkastoo uu taageero ballaaran ka haysto dadka reer Filibiin.