Sawirro: Abaaraha ka taagan gobolka Soomaalida Itoobiya
Sawirro: Abaaraha ka taagan gobolka Soomaalida Itoobiya

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 5.6 milyan oo qof oo ku nool dalka Itoobiya ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah
Abaarta ayaa galaafatay qaar badan oo ka mid ah duunyadii ay dadku dhaqanayeen
Abaarta ayaa galaafatay qaar badan oo ka mid ah duunyadii ay dadku dhaqanayeen
Waxaa gabaabsi noqday daaqa iyo biyaha deegaanka Soomaalida Itoobiya
Xoola dhaqatada ayaaa hadba dhinac u hayaama iyagoo biyo iyo daaq doon ah
Dowladda Itoobiya ayaa beesha caalamka ka dalbatay $948 milyan si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay abaauruhu saameeyeen
Hay'adda caruurta ee Save The Children ayaa ka digtay in caruurta deegaanada ay abaartu saameysay ay u dhiman karaan nafaqo-darro
Koonfurta Itoobiya kama da'in roobabkii la filayay taasoo xaaladda abaarta uga sii dartay
Madaxa Qaramda Midoobay u qaabilsan gargaarka Stephen O'Brien ayaa booqday gobolka Wardheer oo ka mid ah goobaha ay abaartu saameysay
Qaramada Midoobay ayaa ku amaantay dowladda Itoobiya dadaalada ay u gashay wax ka qabashada abaarta