Madaxtooyada Ghana waxaa laga waayay "200 oo gaari"

Toyota Prado Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption In ka badan 50 ka mid ah gawaarida dowladda ee Toyota Prados ayaan la heli karin hadda

Dowladda cusub ee Ghana ayaa isku deyeysa inay raadiso in ka badan 200 oo gaari oo laga waayay xafiiska madaxweynaha, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda.

Xisbiga talada haya ayaa tiriyay gawaarida hal bil ka dib markii ay shaqada la wareegeen.

Doorashooyiinkii hore ee dalka ka dhacay, ka dib is bedelka dowladda waxaa la arkay saraakiil aanan soo celin gawaaridii ay dowladda ugu shaqeynayeen.

Wasiir ka mid ah dowladdii hore ayaa sheegay in eedaha saaxiibadiisa loo jeediyay inay yihiin been.

Wasiirkii hore ee isgaarsiinta, Omane Boamah wuxuu BBC-da u sheegay in arrinta ay tahay "qaab cusub oo dowladda ay isugu deyeyso inay marmarsiyo ugu raadiso inay gawaari cusub soo iibsato".

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynihii hore John Mahama iyo madaxweynaha cusub Nana Akufo-Addo

Afhayeenka madaxtooyada Eugene Arhin wuxuu saxaafadda u sheegay in xubnihii gawaarida isticmaalayay la arkay, laakiin gawaaridii la waayay.

Gawaarida la waayay waxaa ka mid ah:

  • 74 ah nooca madaxweynaha loogu talagalay ee loo yaqaano Toyota Land Cruisers
  • 20 xabo oo ah Toyota Land Cruiser Prados
  • 11 ah Mercedes
  • Laba ah Toyota Avalons
  • Laba gaari oo ah BMW.

Idaacad ka howlgasha Ghana, City FM, waxay ku warrantay in madaxweynaha hadda uu adeegsado gaari BMW ah oo 10 sano la isticmaalayay.

Afhayeenka, Mr Arhin, wuxuu sheegay in xafiiska madaxweynaha loogu talagalay in ka badan 300 oo gaari, balse ka muusan hadlin sababta loogu baahan yahay.

Madaxweyne Nana Akufo-Addo ayaa ku guuleystay xilka madaxweynaha Ghana bishii December, wuxuuna xilka kala wareegay madaxweynihii hore John Mahama.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan