Aagga Cagaaran ee Baqdaad oo madaafiic ay ku dheceen ka dib dibadbaxyo dad ku dhinteen

Booliska ayaa gaas ku riday dibad baxayaasha oo ah taageerayaasha Muqtada Al-Sadr Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliska ayaa gaas ku riday dibad baxayaasha

Dhowr madfac ayaa waxa ay ku dheceen meesha sida weyn loo ilaaliyo ee Aagga Cagaaran, saacado ka dib markii ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen dibad baxyo ruxay caasimadda Ciraaq.

Ma cadda in qofna uu wax ku noqday duqeyntaas loo geystay Aagga ay ku yaallaan xafiisyada dowladda iyo safaaradaha.

Ma cadda kooxda madaafiicda ku riday Aagga Cagaaran.

Sikastaba, Saraakiisha Militariga waxay sheegayaan inay u muuqato in madaafiicda laga soo tuuray xaafadda Baladiyat, halkaas oo la sheego in Muqtada Al-Sadr uu ku leeyahay taageerayaal aad u badan.

Qarax bomb ayaa dilay 'ku dhawaad 80 Shiica ah'

Ururka Xisbullah oo dagaalka Moosil qeyb ka ah

Sabtidii, kumannaan qof oo dalbanaya is bedel dhanka doorashada ah ayaa isugu soo baxay halkaas, waxayna isku deyeen inay Aagga Cagaaran ka gudbaan.

Booliska ayaa ku riday gaaska dadka ka ilmeysiiyo. Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay, sida wararku sheegayaan.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaafiicda ayaa lagu riday Aagga Cagaaran ka dib markii dibad baxayaasha la kala ceyriyay

Dadka isu soo baxay waxay u badan yihiin taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadar, waxay doonayaan in is bedel lagu sameeyo guddiga doorashada.

Waxay sheegeen in guddiga uusan madaxbanaaneyn. dhammaan xubnaha guddiga ayaa lala xiriirinayaa axsaabta siyaasadda.

Weerar isqarxin ah oo Baqdad ka dhacay

Xaflad aroos oo lagu qarxiyay Ciraaq

Sawirro: Ciidamada Ciraaq oo sii galaya Mosul

Taageerayaasha Al-Sadar ayaa dibad baxyo hore oo ay ka sameeyeen ku guuleystay inay gudaha u galaan Aagga Cagaaran.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan