Nafaqadarro ka dhalatay abaarta oo halis ku haysa carruurta Puntland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nafaqadarro ka dhalatay abaarta oo halis ku haysa carruurta Puntland

Haatanna aannu eegno mid ka mid ah warbixinadii aannu maalmahanba kaga hadlaynay abaaraha ba'an ee ku dhuftay qeyba ka mid ah Soomaaliya.

Haddaba Puntland waxay ka mid tahay meelaha sida weyn ay u saameysay abaarta saamaysay dad iyo duunyaba.

Xoolo dhaqato badan ayaa isaga hayaamay dhulkii ay xoolaha daaqsan jireen, qaarkoodna waxaaba dhaafay xoolihii, arrintaa oo keentay in carruur badan ay nafaqadarro las oo deristo.

Carruurta da'dooda ka yartahay shanta sano ayaa la sheegayaa in ay wajahayaan xaalad nafaqa-darro oo halis ah, waxaana hay'adaha samafalka ay ka digayaan in xaaladda ay kas ii dari doonto haddii aan carruurtaasi loo gurman.

Haddaba weriyaha BBCda, Xasan Cali Geele, ayaa safar shaqo oo uu dhawaan ku tegay Puntland ayuu ku booqday isbitaalka Guud ee magaalada Garowe, halkaasi oo ay ku jiraan tiro carruur ah oo la xanuunsan nafaqa darro, warbixintan ayuuna inooga diyaariyay.