Teleefoonkii Hitler oo lagu xaraashayo Mareykanka

Telefoonkii Hitler Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Telefoonkan oo lagu sheegay "hubkii sida weyn wax u burburiyay" ayaa la xaraashayaa

Telefoon uu isticmaali jiray Adolf Hitler xilligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida ayaa si xaraash ahaan ah loogu iibinayaa Mareykanka.

Telefoonka gadoodun, oo ay ku dhegan tahay calaamaddii Nazi-ga, waxaa 1945-tii laga helay dhufeyskiisii Berlin.

Duminta gurigii uu ku dhashay Hitler oo la joojiyay

Dawladda Austria oo la wareegtay gurigii uu ku dhashay Hitler

Wiil Hitler u eg oo lagu xiray Austria

Ciidamadii midowgii Soviet, waxay siiyeen askeri ka mid ahaa ciidamadii Britain, Sir Ralph Rayner, si uu xasuus uga dhigto ka dib markii Jarmalka la qabsaday.

Telefoonka oo lagu iibin doono Chesapeake ee Maryland, wuxuu qiimihiisa ka billaabanayaa $100 kun oo dollar (£80,567).

Waxaa la filayaa in telefoonka oo suuqa uu keenay wiilka Sir Ralph, ugu dambeyn lagu gadi doono $300 kun oo dollar.

Image caption Adolf Hitler wuxuu Jarmalka u guuray 1913-kii, wuxuu xillagaasi ka tagay Austria

Sarkaalka qaabilsan xaraashka, Bill Panagopulos wuxuu sheegay in telefoonka uu ahaa "hub wax burburiya".

Hitler telefoonka wuxuu u adeegsan jiray inuu amarro ku siiyo ciidamada "si ay dad u dilaan", intuu socday dagaalkii labaad, Sidaas waxaa ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Magaca Hitler ayaa xardhay telefoonka dushiisa

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan