Sawirro: Dadka Kenya oo cuntada la wadaagaya xoolaha

Ari raashiin la siinayo
Dadka beeraleyda ah iyo xoolo dhaqatada ayaa raashiinka ay haystaan wax ka siinaya xoolaha si ay abaarta u dhaafiyaan.

Mid ka mid ah meelaha ugu daran, Marsabit, lafaha xoolaha dhintay ayaa buuxa duurka iyo meelaha ay xoolo dhaqatada ka guureen.

"Hadaad haysato caleen ama bur, waxaad siineysaa xoolaha, haddii kale way dhimanayaan. maxaa kaloo aan sameynaa? waan wada dhimaneynaa," ayuu yiri mid ka mid ah xoolo dhaqatada.

Lo'da lagu gadi jiray $500 oo dollar, hadda waxaa la siistaa $100 dollar, sababtoo ah waa caato

Dowladda waxay ballan qaaday inay xoolaha iibsato si looga hortago inay dhammaadaan, balse xoolaleyda waxau BBC-da u sheegeen inaan mashruucaas la soo gaarsiin.

Meelaha yar ee biyaha ay ku hareen ee Marsabiy ayaa aad ciriiri u ah. dhammaan xoolo dhaqatada ayaa isugu tagay

dadka qaar masaafo fog ayey ka soo lugeeyaan si ay biyo u helaan

Madaxweynaha kenya ayaa abaarta ku tilmaamay musiibo qaran, wuxuuna dalbaday kaalmo caalami ah.

Hay'adda Laan-qeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in 2.7 milyan oo qof ay gaajo wajahayaan, una baahan yihiin kaalmo degdeg ah

"Haddii uusan roob di'in, tani waxay noqon doontaa musiibo. Dad ayaa dhiman karo," ayuu yiri madaxa ka hortagga abaaraha ee Kenya Guyo Gulicha.