Trump oo beegsanaya muhaajiriinta sharci la'aanta ah

Trump

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Maraykanka Trump

Muhaajiriinta sharci darrada ah ee ku nool Maraykanka ayaa wajahaya tallaabooyin adag oo dhalin kara in dalkaasi laga musaafuriyo.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in tallaabooyinkan marka hore lagu beegsan doono muhaajiriinta aan sharciga haysan, isla markaana dembiyada galay.

Waxaa si la mid ah uu maamulka cusub u bartilmaameedsan doonaa dadka uu u arko in ay khatarta ku yihiin ammaanka Maraykanka, ama kuwa ku takri falay kaalmada ay dowladda ka helaan.

Hasayeeshee boqolaal kun oo carruur ah oo si sharci darra ah lagu soo galiyay Maraykanka, ayaa loo ogolaan doonaa in ay dalkaasi sii joogaan, ayadoo la tixgelinayo sharci uu horay u saxiixay maamulkii Obama.

Waaxda ammaanka gudaha ayaa ku tala jirta in ay shaqaaleysato toban kun oo boolis dheeraad ah, si ay u meelmariyaan tallaabooyinkan cusub.