Ka qayb galkii madaxda gobolka Caleemo saarka Madaxweynaha maxaa laga dheehan karaa?
Ka qayb galkii madaxda gobolka Caleemo saarka Madaxweynaha maxaa laga dheehan karaa?
Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waxaa shalay ka qayb galay saddex hoggaamiye oo wadamadda deriska ah, iyo masuuliyiin matalaya waddamo kor u dhaafaya 120.
Haddaba tani maxaa lagu fasiran karaa dhanka diblumaasiyadda?, Ma lagu macneyn karaa in tegitaankooda uu u dhigmo in Soomaaliya iyo dalalkaasi ay xiriir wanaagsan yeeshaan?
Arrintaasi waxaan ka wareysanay Maxamad Amiin Sheekh Cusman, oo horey u ahaa diblumaasi ka shaqeyn jiray magaalada Nairobi, haatanna ah Mudane aqalka sare ka tirsan oo laga soo doortay Hiirshabelle, Cabdullahi Sheekh Cabdirisaaq ayuu u warramay oo ugu horreyn weydiiyay waxa laga dheehan karo madaxda tegtay xafladda caleemasaarka madaxweynaha cusub.