Maksiko oo diiday siyaasadda tarxiilka ee Trump

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maksiko ayaa sheegay in aysan ka labolabayn doonin difaaca xuquuqda aadanaha

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka,

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maksiko ayaa sheegay in aysan ka labolabayn doonin difaaca xuquuqda aadanaha

Dawladda Maksiko ayaa cambaaraysay hannaan cusub oo uu soo saaray Maraykanku kaas oo lagu musaafurinayo dadka aan sharciga haysanin ee soogalootiga ah.

Qorshaha uu soo bandhigay maamulka Trump Arbacadii ayaa lagu musaafurin karaa qof kaste oo si sharci darro ah ku jooga dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maksiko Luis Videgaray ayaa sheegay in dalkiisu uusan aqbali doonin "go'aan kaste oo dawlad kale iskeed u qaadato".

Murankan ayaa yimid iyadoo labo sarkaal oo sarsare oo Maraykan ah ay qorshaynayaan in ay booqdaan Maksiko.

Aqalka Cad ee looga rrimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Rex Tillerson iyo wasiirka amniga gudaha John Kelly ay saraakiisha Maksiko kala hadli doonaan ayna ka wada shaqayn doonaan sidii loo dhaqan gelin lahaa shuruucda cusub ee laanta socdaalka.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Kelly ayaa la kulmi doona saraakiil aad uga soo horjeeda qorshihiisa

Waxaa ka mid ah qorsheyaal lagu dhaqan gelinayo sharciyo haddda jira oo la xiriira arrimaha socdaalka Maraykanka iyo jinsiyadda kaas oo xukuumadda u ogolaanaya in ay Maksiko u masaafuriso dadka soo galootiga ah iyado aan la fiirinaynin meesha ay ka yimaadeen asal ahaan.

Ma cadda in Maraykanku uu awoodo in uu dawladda Maksiko ku qasbo in ay aqbalaan ajaaniib.

Laakiin Videgaray ayaa sheegay Arbacadii in aysan aqbali doonin sababtuna ay tahay in aysan la gudboonayn wax dan ahna aysan ugu jirin arrintaas.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Waaxda socdaalka ee Maraykanka oo Los Angeles ku xiraya nin laga shakisan yahay