Turkiga oo dumarka milatariga ah u fasaxay in ay madaxa asturtaan

Xigashada Sawirka, AFP
Dumarka madaxa asturta ayaa hadd aad ugu badan Turkiga
Dawladda Turkiga ayaa meesha ka saartay sharci dumarka milatariga ah ka mamnuucayay in ay madaxa u asturtaan sida Muslimiinta.
Milatariga ayaa ahaa waaxdii u dambaysay ee meesha ka saarta mamnuucitaanka madax asturashada. waxaana loo arkayay difaaca dastuurka cilmaaniga ah ee Turkiga
Xafiisyada iyo hay'adaha dawladda Turkiga ayaa mamnuucay in dumarka u shaqaynaya ay soo asturtaan madaxa sanadihii 1980-yadii.
Laakiin madaxweynaha ay siyaasaddiisu u janjeerto Islaamnimada Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dooday in mamnuucitaankani uu ahaa raad ka haray ilbaxnimo la'aantii hore.
Arrintan madax asturashada ayuu muran badan ka taagnaa muddo aad u dheer Turkiga gudahiisa.
Tobankii sano ee u dambeeyay waxaa mamnuucitaanka madax asturashada laga joojiyay iskuullada, jaamacadaha iyo shaqaalaha dawladda iyaga oo loo ogolaaday in ay is asturaan, bishii siddeedaad ee sanadkii horana dumarka booliiska ayaa loo fasaxay in ay madaxa asturan karaan.
Dadka Turkiga ayaa u badan Muslimiin Suni ah.
Xigashada Sawirka, AFP
Ururro Muslimiin ah ayaa dadaal badan geliyay oo u ol'oleeyay in si wayn loo aqbalo madax asturashada
Xigashada Sawirka, AP
Dumarka booliiska ah iyo kuwa kale ee laamaha ammaanka u shaqeeya ayaa hadda ka dib laga yaabaa in ay madaxa asturtaan