Kashmiir oo laga mamnuucay in arooska qarash badan lagu bixiyo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka gobolkaasi ayaa sheegay in ay jiraan shacab ka cabanaya aroosyada qaaliga ah
Maamulka qeybta Hindiya ay maaamusho ee Kashmiir ayaa mamnuucay qarashka aadka u badan ee ku baxa aroosyada.
Waalidka caruusadda ayaa loo sheegay inaysan arooska ku martiqaadi karin in ka badan 500 oo qof.
Sidoo kale, waalidka caruuska ayaa xafladda ku marti qaadi karo ugu badnaan 400 oo qof.
Dowladda waxay sidoo kale sheegtay inay mamnuuc tahay in wax ka badan todobo digsi oo raashiin ah laga kariyo munaasabadda arooska.
"Si aan cuntada loogu ciyaarin" ayey tahay u jeedada, sida dowlad goboleedka ay sheegtay.
Xildhibaan ka mid ah dowladda ayaa codsaday in tallaabo noocaas ah laga dhaqan geliyo dalka Hindiya oo dhan.
Xafladaha arooska ee Kashmiir ayaa aad qaali u ah, waxaana ku baxo qarash aad u badan.
Waxaa laga sameeyaan raashiinka dhaqanka ee Wazwan oo la yaano oo ka kooban khudaar iyo cunto caadi ah.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Cuntada dhaqanka ee laga kariyo aroosyada Kashmiir
Maamul goboleedka ayaa sheegay in amarkan cusub uu dhaqangalaya laga billaabo 1 bisha April.
Dowlad goboleedka ayaa intaa ku dartay in sababta ay tahay in dad badan ay gudbiyeen cabasho ku saabsan israaf iyo qeylo aan loo dulqaadan karin.
Maamulka gobolkaas ayaa tallaabo noocan ah ku soo rogay Kashmiir, qeybta Hindiya ay maamusho, sanadkii 1984-tii.
Balse amarkaasi dib ayaa loola noqday ka dib dibadbaxyo aad u ballaaran.
Xafladaha aroosyada ee Hindiya oo dhan ayaa qaali ah, dad badanna waxay sameeyaan cunto qaali ah oo aysan jirin cid cuneysa, sida ay sheegayaan dadka u ololeynaya in la mamnuuco aroosyada qaali ah ah.
Waxaa kaloo qarash badan uu ku baxaa dharka iyo madadaalada.
Bishii November, xaflad aroos oo socotay shan maalmood waxaa lagu bixiyay $74 milyan oo dollar.
Waxaa xafladaasi loo qabtay gabar uu dhalay nin ganacsade ah oo horey u ahaan jiray wasiirka gobolka Karnataka.
Dalka Hindiya, dad badan ayaa fuqaro ah waxayna maalinkastaa si dhib ah ku helaan wax ay cunaan.