Ciidamada Ciraaq oo galay xaafad ka mid ah Galbeedka Mosul

Qoraalka Muuqaalka,

Weriyaha BBC-da Quentin Sommerville wuxuu ku sugan yahay meesha uu ka dhacayo dagaalka culus ee u dhexeeya ciidamada Ciraaq iyo Daacish.

Ciidamada dalka Ciraaq ayaa galay xaafad ka mid ah dhanka Galbeedka magaalada Mosul.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamada ay halkaasi gaaraan tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Daacish ayaa magaalada weyne ee Mosul qabsatay shan sano ka hor.

Dullaanka lagu wajahayo Galbeedka wuxuu imaanayaa maalin ka dib markii ciidamada ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee mosul.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Ciidamada Ciraaq

Ciidamada oo markii hore ku soo dagaallamayay dhul howd ah ama bannaan, hadda waxay galayaan dagaal culus oo ka dhaca dhismayaal dhexdooda.

Galbeedka Mosul waa meesha ay ku tallo magaalada weyne, waxaana ku nool kumannaan qof.

Dagaalyahannada Daacish waxay hadda isugu tageen Galbeedka Magaalada ka dib markii bishii la soo dhaafay laga qabsaday dhanka Bariga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ciidamada Ciraaq ee dagaalka kula jira daacish

Ciidamada Ciraaq waxay qaadayaan duqeyn aad u culus oo ay la eeganayaan meelaha ay daacish ku xoog badan tahay.

"Halkani waa meesha uu ka billaabanayo dagaalka dhabta ah", ayuu yiri sarkaalka hogaaminayo dagaalka oo BBC-da la hadlay.

Weriyaha BBC-da, Quentin Sommerville, oo ciidamada la socda wuxuu sheegay in askar yar ay galeen xaafadda dagaal culusna ay la kulmeen.

Waxay meesha la galeen gawaarida aan xabadda karin iyo taangiyo xilli iska caabin culus ay la kulmayeen.

Wuxuu sheegay in marxaladdan cusub ay aad u adkaan doonto, maadaama lagu hardamayo jidad ciriiri ah, dad aad u badanna ay ku nool yihiin.

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka,

Qaar ka mid ah shacabka ayaa ka qaxaya Galbeedka

Meelaha lagu dagaallamaya waxaa ka mid ah xaafado si weyn looga taageero daacish.

Waxaa horey Galbeedka Mosul loogu daadiyay warqado digniin ah oo shacabka loogu sheegay in dagaal culus lagu qaadayo galbeedka.

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay xaaladda shacabka ku go'doonsan Mosul.

UN waxay sheegtay inay aaminsan tahay in 800 kun oo qof ay ku nool yihiin Galbeedka Mosul.

Qoraalka sawirka,

Ciidamada ayaa shalay qabsaday garoonka diyaaradaha

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Kumannaan askeri iyo gawaari dagaal ayaa dullaanka qeyb ka ah

Qoraalka sawirka,

Meelihii horey loogu dagaallamay waxaa ka muuqdo burbur