Australia oo xirtay nin qorshaynayay samaynta gantaallo

Ninka ayaa laga soo xiray baadiyaha New South Wales

Xigashada Sawirka, 9news.com.au

Qoraalka sawirka,

Ninka ayaa laga soo xiray dhulka fog New South Wales

Australia ayaa xirtay nin looga shakiyay in uu isku dayayay in uu talooyin siiyo kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka si ay u sameeyaan gantaallo.

Haisem Zahab oo 42 jir ah ayaa lagu xiray magaalada Young oo ku taalla New South Wales Arbacadii, sida uu sheegay ra'iisal wasaaraha dalkaas New South Wales.

Booliisku waxay sheegeen in ninkan oo korontada yaqaana uu ka caawinayay sidii loo horumarin lahaa gantaalada ridada dheer ee meesha fog laga hago.

Xiritaankan lama xiriirto weerar laga qorshaynayay Australia sida uu Turnbull sheegay.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Turnbull oo bidix xiga ayaa sheegay in xiritaankani uu xasuusin u yahay in feejignaan la muujo

Andrew Colvin oo ah taliyaha booliiska faderaalka ee Australia ayaa ninkan ku sheegay in ninkani uu hawshan kaligii waday taladiisuna ay ahayd "mid halis ah oo aad loo diyaariyay".

Taliyuhu wuxuu sheegay in uusan khibrad toos ah u lahayn arrimaha gantaalada

Baritaanka booliiska ee talaadadii waxaa ka qayb qaatay tiro askar ah wuxuuna dabo socday baaritaan 18 bilood qaatay.

Baaritaan baaxad wayn

Booliiska ayaa sheegay in Zahab lagu xiray qoyskiisa hortiisa oo ay ku jiraan carruur

Muuqaal laga baahiyay warbaahinta deegaankaas ee Nine network ayaa muujisay booliiska oo ey iyo qalab kale wata oo baaraya gurigiisa.

Xigashada Sawirka, 9news.com.au

Qoraalka sawirka,

Booliiska oo baaraya gurigiisa oo ku yaalla Young