Soomaaliya oo lacag cusub soo daabacanayso

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay sanadkan qorshenayso in ay daabacato lacagtii ugu horaysay oo rasmi ah muddo ka badan 25 sano.

Waxay qorshenaysaa in lacagtaasi ay soo bandhigto dabayaaqada sanadka, waxayna daabacaadeeda ku bixinaysaa lacag gaaraysa 60 milyan oo doolar.