Bam Suuriya ku dilay ugu yaraan 68 carruur ah

Basaska ayaa waday dad Suuriyaan ah oo laga soo daadgureeyay magaalooyin go'doonsan oo ay dawladdu gacanta ku hayso

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Basaska ayaa waday dad Suuriyaan ah oo laga soo daadgureeyay magaalooyin go'doonsan oo ay dawladdu gacanta ku hayso

Ugu yaraan 68 carruur ah ayaa ka mid ah 126 ruux oo ku dhintay qarax bam oo Sabtidii lagu bartilmaameedsaday basas waday dad laga soo daad gureeyay magaalooyinka go'doonsan ee Suuriya, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay kolonyo maraysay agagaarka Xalab.

Qolyaha la socda xuquuqda aadanaha Suuriya oo fadhigoodu yahay UK ayaa sheegay in ay dhinteen 109 ruux oo ka mid ah dadkii laga soo daadgureeyay magaalooyinka ay dawladdu haysato, waxaana weheliyay oo iyagana dhintay shaqaale gargaar iyo askarta jabhadaha.

Dad kale oo badan ayaa weerarkaas ku dhaawacmay, sida ay sheegtay kooxdaas xuquuqda aadanaha la socota.

Qaraxa ayaa burburiyay basas, dabna qabadsiiyay gawaadhi kale.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Carruur dhaawacantay oo lagu dabiibayo magaalada ay dawladdu maamusho ee Xalab

Dhacdo tan ka duwanna, tiro dad ah oo carruur u badan ayaa lagu soo warramayaaa in ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Ugu yaraan saddex gantaal ayaa ku dhacay agagaarka fagaaraha Umayah ee bartamaha magaalada ku yaalla, warbaahinta dawladda iyo kuwa dawladda la jaalka ah ayaa sidaa ku warramay, Telefishinka dawladuna wuxuu ku eedeeyay argagixiso.