Sawirro: Tareen ma ku raaci lahayd 10,000 oo doolar?

Tareenka cusub ee nooca raaxada ee dalka Japan ee lagu magacaabo Shiki-shima ayaa billaabay safarkiisii ugu horreeyay isbuucan.

Qoraalka sawirka,

Tareenkan oo lagu magacaabo Shiki-shima ayaa ah nooca raaxada. Tikitka lagu raaco qiimihiisu wuxuu u dhexeeyaa $2,000 ilaa iyo $10,000.

Qoraalka sawirka,

Tareenkan raaxada badan ayaa safarkiisa billaabay 1 May.

Qoraalka sawirka,

Wuxuu safarkiisa ka billaabay Tokyo waxa uuna ku sii socdaa magaalada jasiiradda ah ee Hokkaido.

Qoraalka sawirka,

34 rakaab ayuu qaadaaa tareenkan raaxad, sidaas darteed rakaabku iskuma qabsadaan fariisashada dhinaca daaqadaha.

Qoraalka sawirka,

Halkan ayay rakaabku ku yara gam'i karaan marka ay daalaan.

Qoraalka sawirka,

Tareenkan waxaa qorshihiisa la shaaciyay sanaddii 2014, waxaana leh shirkadda tareenada ee East Japan Railway.

Qoraalka sawirka,

Tikidhada qaar waa la iibiyay ilaa iyo March 2018.

Qoraalka sawirka,

Cunnada waxaa lagu diyaariyaa tareenka gudihiisa. Gabdhahan ayaa diyaar u ah inay kuu adeegaan

Qoraalka sawirka,

Qaar ka mid ah cunnada tareenka aad ka heli kartid

Qoraalka sawirka,

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay inay tahay qaab kale oo ay lacag ku khasaarinayaan dadka maalqabeenka ah