Qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa wasiirkii ciyaaraha ee maamulka Jubbaland Sheekh Maxamed Yusuf awlibaax oo dhaawac soo gaaray markii dambe u dhintay.
Weerarkan ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhiga booliska degmada Waaberi oo ku yaalla wadada mashquulka badan ee Maka-almukara.
Xilibaan Maxamed Daa'uud Cumar oo baarlamaanka Jubbaland ka tirsan ayaa Awlibaax la fadhiyay markii uu qaraxa dhacayay, Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayuuna uga warramay sida ay wax u dhaceen.