Soomaalida danyarta ah ee Minneapolis oo ka muddaharaadday guryo la sheegay in laga saarayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Minneapolis oo ka muddaharaadday guryo la sheegay in laga saarayo

Dibadbax looga soo hor-jeedo in waaxda guryaha dadwaynaha ee magaalada Minneapolis ay iibiso xaafadda Glendale Town-home ayaa khamiistii ka dhacay gudaha xaafaddaasi.

Dadka deggan xaafadda oo ay ka mid yihiin Soomaali badan ayaa sheegay in aanay doonayn inay ka guuraan guryahaan, waxayna ku eedeeyeen waaxda guryaha dadwaynaha ee magaalada Minneapolis in ay dooneyso in ay guryahaasi ku wareejiyo shakhsiyaad hantiilayaal ah balse arrintaasi ayaa waxaa beeniyay Jeff Horwich oo ka tirsan waaxdaasi.

Mas'uulkan ayaa sheegay ina gebi ahaanba aysan jirin cid laga saarayo guryaha, dadka mudaaharaadayana lagu wargeliyay waxa uu ugu yeeray warar been abuur ah oo horseeday cabashada dadka.

Waxa uu sheegay inaysan jirin qorshe lagu burburinayo guryaha, hadii loo baahda in la sameeyo dyactir, dadka deggan xaafada la geyn doono guryo ku meel gaar ah, iyagoo xaq u leh inay dib u gu soo laabtaan marka la dhemeystiro dayactirka.

Xaafadan ayaa dhowr sano ka hor laga dhisay wado tareen oo isku xirta labada magaaalo ee mataanaha ah ee St Paul & Minneapolis taasoo qiimahii xaafadaa kor u qaaday.

Dadka isu soo baxay oo Soomaali ay ka mid yihiin ayaa BBC-da la hadlay.

Sheekadan macluumaad dheeraad ah ayaa lagu daray oo ku aadan mowqfika mas'uulka ka tirsan waaxda guryaha dadwaynaha ee magaalada Minneapolis.