Muuqaal horseeday in xabsiga la dhigo amiir u dhashay Sucuudiga

Boqor Salmaan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Boqor Salmaan

Saraakiisha Sucuudiga ayaa soo qabtay amiir ka tirsan qoyska boqortooyada dalkaas, kadib markii uu tacaddi u gaystay tiro dad ah.

Boqor Salmaan, ayaa amray in in deg-deg loo soo qabto amiir Sucuud bin Cabddul-Casiis, kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya falka uu ku kacay.

Amiirka dhalinayrada ah ayaa lagu arkay muuqaalka isaga oo xiran dhar madow, isla markaana gacantiisa ku garaacaya qof rayid ah. Waxaana uu muuqaal kale muujinayaa isaga oo tacadi u gaysanaya dhowr qof.

Dadka dhibaatada kasoo gaartay falka amiirka waxaa kamid ah haween uu af-xumo kula kacay. Dadka qaar ayaana la arkayay iyada oo uu dhiig ka daadanayo madaxooda.

Bulshada Sucuudiga ayaa aad ugu faafisay muuqaalkan baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Boqorka Sucuudiga ayaa amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado amiirka, iyada oo aan la eegayn kaalinta uu bulshada kaga jiro.

Markii uu soo shaac baxay muuqaalka muujinaya tacadiga uu gaysanayo amiirku, ayaa waxaa si wayn u baahay astaan ah "Amiir Sucuudi ah oo ku xadgubay shacab". Halka dadka qaarna ay ku baaqayaan dilka amiirka.