Israa'iil oo adkaysay ammaanka magaalada Qudus xilli ay xiisadda kacsan tahay

Falastiiniyiinta oo dibad bax dhigaya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Falastiiniyiinta oo dibad bax dhigaya

Israa'il ayaa adkaysay ammaanka agagaarka masaajidka barakaysan ee Al -Aqsaa xilli cabsi laga qabo in rabshado halkaasi ay ka dhacaan ka dib markii ay Israailiyiinta qalabka wax lagu baaro ku xireen albaabka masaajidka laga galo.

Israel ayaa ka mamnuucday goobtaasi ragga ay da'dooda ka yartahay 50 sano ka dib markii hogaamiyayaasha falastiiniyiinta ay ugu baaqeen dadka ku cibaadaysanaya masaajidka ay tira badan ku soo baxaaan xilliga salaada jimcaha ee manta.

Tan iyo intii ay israa'il ku rakibtay masaajidka qalabka wax baara oo lagu xiray goobta laga galo masaajidka barakaysan ee Al -Aqsaa ayaa waxa goobtaasi ka dhacayya isku dhacyo.

Arrintan ayaa ka danbaysay ka dib markii goob u dhaw masaajidka lagu dilay laba askari oo israa'iili ah oo ay dileen rag hubaysan.

Falastiiniyiinta iyo hogaamiyayaasha Islaamka ayaa si kulul uga jawaabay qalabka wax lagu baaro ee ay Israa'il ku rakibtay albaabka Masaajidka.

Laamaha ammaanka Israa'il ayaa dhankooda sheegay in ay tahay lagama maarmaan in tilaabadaasi ay qaadaan maadama hubkii loo isticmaalay dilka labada askari la soo galiyay masjidka barakaysan ee Al -Aqsaa.

Bariga magaalada Qudus ayaa waxa haystay Israa'il tan iyo intii uu dhamaaday dagaalkii bariga dhexe sanaddii 1967.

Kumannaan ciidamada amaanka Israa'il ah ayaa loo daadgureeyya masaajidka barakaysan ee Al -Aqsaa si loo xaddido dadka galaya masaajidka.

Inta badan maalinta jimcaha ayaa waxa masaajidka barakaysan ee Al -Aqsaa ku tukada muslimiin badan .