Ruushka oo sheegay inuu la heshiiyay qaar ka mid ah fallaagada Suuriya

Xigashada Sawirka, AFP
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay la saxiixatay heshiis falaagada Suuriya, kaasi oo la xiriira qorhse lagu soo afjarayo colaada ka taagan bariga Ghouta oo ka mid ah goobaha ay ku xoogan yihiin mucaaradka Suuriya oo ku dhaw magaalada Dimishiq.
Wasaarada difaaca ee Moscow ayaa sheegtay in heshiiskaan uu la xiriiro nabadeynta goobta Bariga Ghouta.
Moscow waxa ay ku tilmaantay tallaabadani xuduuda looga gol-leeyahay in looga dhigo goobtaan mid nabdoon, iyada oo sidoo kalana la geynayo ciidamo kormeera rajada laga qabo in dagaaladu soo afjarmaan.
Balse waxaa jira kooxa kale oo ka mid ah falaagada oo ku xoogan goobtaasi Bariga Ghouta.
Hase ahaate, ma cadda weli kooxda wadahadalka kula jirta Ruushka, waxaase shaki uu ka taagan yahay sida uu u dhaqan gali karo heshiiskaan.