Mucaaradka Congo oo ku baaqay dibadbaxyo ka dhan ah madaxweyne Kabila

Xigashada Sawirka, Reuters
Mucaaradka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ku baaqay dibad baxyo iyo amar diiddo shacab si loogu qasbo madxaweyne Joseph Kabila inuu xilka isaga dego.
Dibad baxyo guud oo labo maalmood socon doona ayaa lagu wadaa inay dalkaasi ka bilowdaan siddeedda bisha Agosto ee soo socota.
Isu soo baxyo ballaaran ayaa la qorsheynayaa in daba yaaqada Agosto ay sidoo kale ka dhacaan gobol walba oo dalkaasi ka tirsan.
Xigashada Sawirka, AP
Warbixin ka soo baxday mucaaradka ayay ku sheegeen in haddii uusan madaxweyne Kabila taariikh u asteynin doorashooyinka dhici doona dhammaadka bisha September ee sanadkan, ay tahay inay dadku joojiyaan bixinta canshuurta.
Waqtiga madaxweynaha ayaa dhacay sanadkii hore. Wada hadal ay dhex dhexaadiye ka ahayd kaniisadda Roman Catholic ayaa la isku raacay inuu xafiiska sii joogo ilaa bisha December sanadkan, balse madaxweynaha ayaa dhankiisa sheegay inuusan sameyn wax ballan qaadyo ah.