Sawiradda madaxwaynaha buka ee Naajeeriya oo la shaaciyay

Madaxwayne Muhammadu Buhari oo la qadaynaya ergadda

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Madaxwayne Muhammadu Buhari oo la qadaynaya ergadda

Madaxwaynaha dalka Naajeeriya ayaa markii ugu horaysay muddo 80 maalmood ah tan iyo intii uu dalkiisa ka soo dhoofay waxaa la baahiyay sawirkiisa isaga oo ku sugan magaalada London.

Madaxwayne Muhammadu Buhari, oo 74, ayaa u tagay dalka Ingiriiska si looga daaweeyo xanuun aan la shaacin waxa uu yahay.

Maalintii axadda, waxa uu kullan qado ah la yeeshay gudoomiyayaasha gobolada ee ka soo jeeda xisbigiis 'waxa ayna ahayd xaflad si wayn loo soo agaasimay sida lagu sheegay bayaan ay dowlada soo saartay.

Ka maqnaashiyiisa dalka ayaa waxa ay walaac ka dhalisay dalka Naajeeriya ,iyada oo dadka qaar ay isla dhexmarayeen in laga yaabo in uu dhintay.

Sidoo kale dadka qaar ayaa waxa ay ka walaacsanaayeen in uusan madaxwaynaha awoodin in shaqdiisa uu dib ugu soo laabto.

Bayaanka ayaa waxa lagu sheegay' in madaxwaynaha uu ahaa mid faraxsan islamarkana aan lumin kaftankii lagu yiqiinay.

Gudoomiye Rochas Okorocha, oo ka mid ahaa ergadii ka qaybgashay kullanka ayaa sheegay in madaxwayne ay waydiiyeen wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan caafimaadkiisa islamarkana uu aad ugu qoslay su'aashaasi.

  • Mr Buhari ayaa dalka ka tagay 7 May -waxaana tan xiligaasi ku simaha madaxwaynaha ahaa ku xigeenkiisa Yemi Osinbajo .
  • Caafimaad darada madaxwayne Buhari ayaa bilaabatay 2017.
  • 19 January:waxa uu baaritaan caafimaad u aaday UK .
  • 5 February: waxa uu ka codsaday baarlamaanka in loo kordhiyo waqtiga fasaxa caafimaad ee uu dibadda ku joogo.
  • 10 March: waxa uu dib ugu soo laabtay dalka balse shaqadiisa horay kuma uusan bilaabin.
  • 26 April:waxa uusan madaxwaynaha markii labaad ka qaybgalin kullanka golaha wasiirada "waxa uuna howsha ka waday gurigiisa.
  • 28 April: waxa uuna ka qaybgalin sidii caadadu ahay salaada jimcaha.
  • 3 May: waxa uu seegay in uu qaybgalo markii sadaxaad ee isku xigta kullanka golaha wasiira.
  • 7 May: ayaa waxa uu mar kale u safray dalka Ingriiska si daawayn dheeraad ah uu u qaato.
  • 6 June: Xaaska Buhari waxa ay sheegtay in uu xanuunka ka soo kabanayo.
  • 12 July:Sii haya madaxwaynaha ayaa sheegay in madaxwaynaha uu dalka ugu soo laaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan.