Weriyeyaal Turki ah oo loo maxkamadeynayo taageridda argagixiso

Turkiga
Qoraalka sawirka,

Taageerayaasha 17ka weriye ee Cumhuriyet ka tirsan oo taagan bannaanka hore ee maxkamadda

17 shaqaale ka tirsan wargeys mucaarad ah oo Turkiga ka soo baxa ayaa maxkamad la soo taagayaa iyagoo loo haysto eedeymo ah inay taageereen urur argagixiso.

Haddii lagu helo dembi, wuxuu xukunkoodu noqon doonaa ilaa 43 sano oo xabsi ah.

Tiro weriyeyaal ah oo ka tirsan wargeyska Cumhuriyet iyo maamulayaashiisa ayaa haatan la xiray iyagoo sugaya maxkamadeyn. Toban ka tirsan ayaa xirnaa muddo ku dhow sagaal bilood.

Toddobaad kahor, wuxuu Turkigu xusay sanad guuradii ugu horreysay ee ka soo wareegatay afgembigii dhicisoobay. Kumannaan qof oo jidbeysan ayaa si weyn isugu soo baxay iyagoo xusay maalintaasi.

Balse waxaa la cambaareeyay ugaarsigii lagula kacay in ka badan 50,000 qof kuwaas oo la xiray sanadkii hore, iyagoo lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen afgembigii dhicisoobay.

Ururrada u dooda xorriyadda saxaafadda ayaa sheegaya in arrintan ay aad u saameysay warbaahinta intii muddadan lagu guda jiray, iyadoo albaabbada loo laabay 150 xarun warbaahin.

Qoraalka sawirka,

Cumhuriyet ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin faafinta warar qalalaaso abuuraya

Turkiga ayaa haatan ah waddanka ay ku xiran yihiin weriyeyaasha ugu badan. Ururrada warbaahinta ayaa sheegaya in in ka badan 150 weriye ay xabsiga ku jiraan, kuwaas oo badankood ku eedeysan inay taageereen argagixisada.

Balse dowladda ayaa tiro taas ka duwan sheegeysa.

Isgaoo la hadlayay BBC horraantii bishan, ayuu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan sheegay in keliya labo weriye ay ku xiran yihiin dalkaasi, isagoo intaa raaciyay in inta kale ay isugu jiraan argagixiso, kuwo hub lagu qabtay iyo budhcad iyagoo wax dhacaya la qabtay.

Madaxa ururka weriyeyaasha dalkaasi ee PEN Turkey, Zeynep Oral, ayaa aaminsan in xaaladda xorriyadda saxaafadda Turkiga ay tahay tii ugu darneyd muddo sanado ah.

Weriyeyaasha iyo dadka u dooda xorriyadda saxaafadda ee ku sugan guud ahaan dunida ayaa si dhow ula soconaya maxkamadeynta wargeyska Cumhuriyet. Dhegeysiga dacwadda ayaa socon doonta toddobaadka oo dhan.