Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay cabashada muruqmaalatada dekada Berbera

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay cabashada muruqmaalatada dekada Berbera

Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cabashooyin isdaba joog ah oo ka soo baxaya muruqmaalka iyo ganacsatada isticmaasha dekedda Berbera.

Cabashada ayaa socotay tan iyo intii maamulka dekedda lagu wareejiyay sharikadda caalamiga ah ee DPWorld ee dalka Imaaraadka Carabta afar bilood ka hor.

Ganacsatadu waxay ka cabanayaan in badeecooyinkoodu ku raagaan maraakiibta, halka muruqmaalkuna ay dhawr jeer ku dhaqaaqeen shaqo joojin, inkastoo middii ugu dambaysay saddex maalmood ka hor la xalilay.

Dr Sacad Cali Shire oo isagu ah masuulka dhinaca Somaliland u saxiixay heshiiska DPWorld ee dekedda Berbera ayaa waxa uu u waramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige.