Shaqaalahii safaaradda Israa'iil ee Cammaan oo dalkooda dib ugu laabtay

Xigashada Sawirka, EPA
Raisul wasaaraha Israa'il Benjamin Netanyahu
Shaqaalaha safaarada ay Israa'iil ku lahayd dalka Urdun ayaa dib ugu laabtay Israa'il ka dib weerar ka dhacay dhismaha safaardda.
Bayaan ay soo saartay dowladda Israa'il ayaa lagu sheegay in dadka dib ugu laabtay uu ka mid ahaa askari toogtay isaga oo is difaacaya laba qof oo u dhalatay Urdun.
Xukuumadda Israa'iil ayaa sheegtay in dhammaan dublamaasiyiinteeda ay badqabaan.
Ra'isalwasaare Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay safiirka iyo askariga ilaalada ka ahaa safaarada,waxa uuna ugu hambalyeeyay qaabkii ay xaaladda ula tacaaleen.
Nin u dhashay dalka Urdun ayaa isku dayay inuu weeraro askariga oo ku sugnaa safaarada Israa'il ee Cammaan ,waxaa sidaasi sheegtay wasaarada arrimaha dibadda Israa'iil.
Israa'iil ayaa uga mahad celisay xukuumada Urdun wadashaqayntii ay u muujisay 24 saac ee ugu danbeeyay.
Warbaahinta Israa'iil ayaa mar sii horaysay ku warantay xiisad u dhaxeeysa labada waddan.
Safaaradda Israa'iil ee Camman oo ammankeeda si wayn loo ilaaliyo
Wasaarada arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay in Sida ku cad heshiiskii Vienna ee sanaddi 1961 askariga ilaalada ka ahaa safaaradda aan sharciyan baaritaan iyo xarig midna loo gaysan karin.
Booliiska dalka Urdun ayaa waxa uu sheegeen inay doonayeen in askarigaasi ay su'aalo waydiiyaan.
Ninka la tuhunsan yahay in uu weeraray safaaradda Israa'il ee Urudun ayaa waxa saxaafada dalkaasi ay magaciisa ku sheegeen Mohammed Zakaria al-Jawawdeh, oo 17 jir ah.