Maxay tahay saameynta ka dhalatay abaaraha Soomaaliya?
Maxay tahay saameynta ka dhalatay abaaraha Soomaaliya?
Inkastoo qeyba badan oo ka mid ah Soomaaliya uu roob ka da'ay qeyb ahaanna laga baxay abaartii ba'neyd, haddana weli deegaanada qaar abaar ayaa ka taagan.
Deegaanada qaarna waxaa weli ka muuqda saameyntii abaarahaasi ay reebeen, iyadoo kumannaan qof ay ku barakaceen magaalooyinka waa weyn.
Meelaha dadkaasi ay ku barakaceen waxaa ka mid ah magaalooyin ku yaal Koonfurta Soomaaliya.
Inta badan dadka ay abaarahaasi saameeyeen waa reer guuraa xoolahoodii ay dhaafeen, deegaanda ugu daranna waxaa ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, oo aannu ka wareysannay sida uu haatan xaal yahay wasiirka warfaafinta maamulkaasi Xasan Cabdi Maxamed oo u warramay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.