Maraykanka oo cunaqabatayn cusub ku soo rogay Ruushka

Xigashada Sawirka, AFP
Putin iyo Trump
Xildhibaanada Aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaa waxa ay meel mariyeen cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay waddanka Ruushka.
Tallaabadan ayaa waxa ay ka dhalatay eedo loo soo jeediyay Ruushka oo ah inuu faragelin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.
Sharcigan ayaa xaqiijinaya oo taageeraya cunaqabatayntii uu madaxwayne Barack Obama ku soo rogay Ruushka taasi oo la xiriirtay faragalintii ay Ruushka ku sameeyeen Ukraine ,waxa ayna qaadida cunaqabatayntan noqonaysaa mid adag.
Waxaa sidoo kale la balaariyay xannibaadaha lagu soo rogay in ganacsi lala sameeyo shirkadaha Ruushka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya hormarinta Tamarta .
Arintan ayaa waxa si wayn uga walaacsan dalalka Yurub oo lagu ganaaxi karo in ay taageeraan mashaaricda dhuumaha qaada shidaalka.
Hasa yeeeshee waxa ay aqalka cad ay ka walaacsan yihiin ayaa ah tillaabooyiinka lagu xaddiday xaqa sidii caadado ahayd u lahaan madaxwaynaha in uu qaadi karo cunaqabateenada,waxaana imika laga doonayaa madaxwaynaha in uu la tashado congreska ka hor inta uusan cunaqabataynta qaadin.
Waxa ay arrintan muujinaysaa taageerada ay xubnaha labada xisbi u muujiyeen sharcigan lagu sii adkaynayo cunaqabataynta Ruushka iyo walaac ay ka qabaan xiriirka dhanka ruushka u janjeera ee madaxwayne Trump.
Saraakiisha aqalka cad ayaa waxa ay sheegeen in ay darsayaan sharciga ay meelmariyeen golaha congreska ayna sugayaan in loo soo gudbiyo madaxwaynaha .
Farqiga u dhaxeeya hindisa sharciyeedyada aqalka golaha wakiilada iyo sanetka ayaa ah in loo baahan yahay in laga shaqeeyo ka hor inta aan la saxiixin si uu sharci buuxa u noqdo.