Cilmibaarayaal lagu afduubtay waqooyiga Nayjeeriya

Boko Xaraam Waxay weerarro hore uga gaysteen harada Chad

Xigashada Sawirka, BOKO HARAM VIDEO

Qoraalka sawirka,

Boko Xaraam Waxay weerarro hore uga gaysteen harada Chad

Shirkada shidaalka ee dalka Nayjeeriya ee NNPC ayaa sheegtay in toban ka mid ah cilmi baarayaasha Lakabyada dhulka baara ay afduubeen kooxda mintidka ah ee Boko Haram.

Cilmi baarayaashani iyo kormeerayaal kale oo ka socda jaamacadda Maiduguri ayaa laga afduubtay meel u dhaw tuulada Jibi ee gobolka Borno, ka dib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday.

Cilmi baarayaashan ayaa waxa qandaraas lagu siiyay in sahan dhanka shidaalka ah ay ka sameeyaan meel u dhow harada Chad.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in laga cabsi qabo in qaar badan oo ka mid ah cilmi baarayaashan ay ku dhinteen weerarka ,balse ma jirto cid xaqiijisay arrintaasi.

Afhayeen u hadlay shirkadda shidaalka ee Nayeeriya, Ndu Ughamadu ayaa u sheegay BBC dhacdadani afduubka.

Dhacdadan ayaa dhacday maalinkii Talaadada, markaasi oo cilmibaarayaashani arrimaha dhulka ay ka soo laabanayeen goobta lagu magacaabo Borno Yeso, waxaana la socday koox ilaalo u ahayd.

Warar laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in shan qof oo ka soo baxsaday weerarka gaadmada ah imika lagu dawaynayo isbataalka magaalada Maiduguri.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in kolonyo gawaari ah oo dhamayd toban, ayna la socdeen shaqaalahan, hal gaari oo kali ah uu dib uga soo laabtay.

Ma cadda ilaa iyo iminka in goobta sahanka shidaalka laga sameeynayay la hubiyay amaankeeda, balse waxa muuqata in maamulka shirkadda shidaalka ee NNPC ay isku dayayeen in ay shidaal badan ka soo saaraan waqooyiga Nayjeeriya, iyada oo ay jirto ammaan darada.

Maalintii Isniinta, shan qof oo isa soo miidaamiyay ayaa weeraray xerooyiin ay ku jiraan dadka ku barakacay gudaha dalkaasi, alkaasi oo todobo qof ay ku dhinteen.