Shirkadda Adobe oo qadka ka saaraysa barnaamijka Flash Player

Flash Player oo hawada ka baxaya
Sida ay shaacisay shirkadda Adobe Systems , waxaa la qorsheynayaa in qadka laga saaro barnaamijka muuqaalada lagu daawado ee Flash Player marka la gaaro sanadka 2020-ka.
Aaladdan ayaa waxa ay ahayd tan ugu wanaagsan ee sida baahsan dadka u isticmaalaan marka ay daawanayaan muuqaalada, iyo waliba marka ay dheelayaan ciyaaraha kumbuyuutaraadka ku keydsan sida shaxda oo kale (games).
Balse barnaamijkani ayaa waxaa loo jeediyey eedeymo balaaran sababtuna tahay daldaloolo uu leeyahay oo ay ka faa'iideysteen dadka kumbuyuutaraadka jabsada ama tuugada internetka oo aad u isticmaala barnaamijkani marka ay wax haleeynayaan.
Sanadihii dhawaa waxaa si isa soo taraysa booska barnaamijkani u galayay kan kale ee loo yaqaano HTML5 oo isagu sahlaya in habka maqalka iyo muuqaalka lagu dhex abuuri karo bogagga iyada oo aanan loo baahanin in adeeg dheeraad ah lala soo dego si loo isticmaalo.
Mucaaradka ugu weyn ee barnaamijkani Flash Player waa shirkadda Apple, iyada oo asaasihii shirkadan ee geeriyoodey Steve Jobs uu mar qoray warqad furan oo uu ku sheegayo cilladaha barnaamijkani, iyada oo shirkadda Apple ay taleefoonadeeda iyo wax-soo-saarkeeda kale ay ka mamnuucday barnaamijkani in lagu isticmaali karo.
Ku xigeenka madaxa shirkadda soo saartay barnaamijkani, ninka lagu magacaabo Govin Balakrishnan, ayaa sheegay in ay go'aansadeen in ay joojiyaan Flash Player sababtoo ah aaladaha kale ee tiknoolajiga sida HTLM5 "ayaa gaaray heer qaan-gaarnimo ah oo badal wanaagsan u noqon kara Flash Player".
Ninka naqshaqeeya barnaamijyada ee magaciisu yahay Malcolm Barclay oo biloowgii Flash Player ka shaqeeyey ayaa sheegay in barnaamijkani uu gutey waajibkiisii, laguna soo manaafacaaday, balse waxa uu sheegay in aanan marnaba horey loo sii qiyaasin casriga taleefoonada, taasi oo ah waxa meesha ka saaraya hadda.
Waxaa hoos aad ugu dhacay isticmaalka barnaamijkani kadib markii inta badan hababkii loo isticmaali jiray laga guuray, waxaana jirtay in shirkadda Google ay gabi ahaanba kala noqotay taageeradii barnaamijkani sanadkii hore.
Arrintani waxa ay qeyb ka tahay aaladaha casriga ah ee sanadka kasta sii kordhaya, iyo isbadallada joogtada ah ee la sameynayo.