Gabar Soomaali oo u tartameyso Kursiga xildhibaanka deegaanka ee degmada 7-aad ee Boston
Gabar Soomaali oo u tartameyso Kursiga xildhibaanka deegaanka ee degmada 7-aad ee Boston
Deeqo Jibriil oo ah gabar Soomaali ah ayaa waxay ka mid tahay 13 qof oo u tartamaya Kursiga xildhibaanka deegaanka ee degmada 7-aad ee magaalada Boston ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka.
Hadii ay ku guulaysto waxay noqonaysaa haweenayadii ugu horreysay, qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah, Madow ama Muslim ah ee xilkaasi qabta.
Doorashooyinka oo dhici doono bilaha September iyo Novemer Deeqo waxay ka qabtaa rajo aad u wayn inay ka dhigto taariikh cusub magaalada Boston iyo dalka Mareykanka.
Mowliid Xaaji Cabdi ayaa khadka telefoonka ee magaalada Boston wuxuu kula xiriiray Deeqo Jibril oo haatan ku jirta olalle ballaaran wuxuuna waydiiyey marka hore inay inoo sharaxdo kursiga ay u tartamayso.