Heshiskii shirkadda DP world iyo Puntland oo la ansixiyay
Heshiskii shirkadda DP world iyo Puntland oo la ansixiyay
Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa shalay waxa uu meel mariyay heshiis ay wadagaleen xukuumadda maamulkaasi iyo shirkadda Dubai World, taas oo ku maal gashanayso dekadda magaalada Boosaaso.
Hadaba maadaama uu baarlamaanku hore kalsoonidii ugala noqday golihii wasiirada mid cusubna aanan weli la soo dhisin, sharcigu ma ogolyahay in ay wasiiradii hore baarlamaanka horkeenaan heshiisyo dawladdu gashay? Faa'iido intee leeg ayaa se ugu jirta dadka Puntland heshiiskaasi?
Su'aalahaas iyo kuwo kale ayaannu waydiinnay Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax (Shiike) oo ka tirsan baarlamanka Puntland oo u warramay weriyaha BBC-da, Axmed Maxamed Ibraahim (Axmednagaashe).