Waa kuma Nawaz Sharif ?

Xigashada Sawirka, Reuters
Nawaz Sharif waxa uu ku guuldaraystay in uu oofiyo balamo badan oo uu qaaday xilihii olalaha doorasha
Kadib markii xilka looga tuurey afgambi militari oo uusan dhiig ku daadan sanadkii 1999-kii ayaa Nawaz Sharif dib loogu doortey Ra'isulwasaaraha Pakistan markii sedexaad sanadii 2013-kii doorashooyin baarlamaan oo dhacay.
Nawaz ayaa xilka iska casiley maanta (28 July, 2017) kadib markii maxkamadda sare ay xukuntey in uusan xilka sii hayn karin sababo la xiriira eedeymo musuq.
Nawaz ayaa ah siyaasi inta badan hormuud u ahaa siyaada dalkaasi Pakistan 30-kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna xilka Ra'isulwasaarenimada soo qabtay sedex jeer oo kala intii u dhaxaysay 1990 illaa 1993, iyo markale oo ahayd 1997 illaa 1999 oo ciidamada afgambiyeen, iyo 2013 illaa 2017 oo uu is casiley.
Xigashada Sawirka, AFP
Nawaz Sharif waxa uu heley cod aqlabiyad ah doorashooyinkii 2013-ka dhacay
Si la mid ah madax kale oo adduunka ka taliya, wuxuu marar badan ka badbaaday eedeymo musuq oo loo jeediyey.
Wuxuu madaxweyne ka yahay xisbiga PML-N, wuxuuna leeyahay shirkadda birta iyo maarta soo saarta ee lagu magacaabo Ittefaq Group, isaga oo ka mid ah dadka ugu taajirsan dalka Pakistan.
Isaga oo ka mid ah dadkii aadka ugu dhawaa hoggaamiyihii militariga ee dalkaasi Jeneta Zia Al-Xaq ee Pakistan xukumayay intii u dhaxaysay 1977-dii illaa 1988-dii, ayaa waxaa Nawaz aad loogu xusuustaa in uu amray tijaabadii ugu horeysey ee hubka nuyuukleerka sanadii 1998-dii.
Sanadihii hore
Nawaz waxa uu ka dhashay qoys taajir ah oo degen magaalada Lahore sanadii 1949-kii, wuxuuna siyaasada kusoo galay xildhibaanimo, balse wuxuu si weyn siyaasadda guud caan oga noqdey markii uu noqdey barasaabka gobolka Punjab intii u dhaxaysay 1985-tii illaa 1990-kii.
Xigashada Sawirka, Reuters
Taageerayaasha mucaaradka oo dabaaldegaya kadib xukunkii maxkamadda sare
Markii uu Ra'isulwasaaraha noqdey ee ugu horeysey sanadkii 1990 ayaa xukuumadiisa la ridey sedex sano kadib sanadkii 1993-dii, taasi oo wadada u xaartay in Pakistan ay Ra'isulwasaare ka noqoto haweeneyda lagu magacaabo Benazir Bhutto.
Markale ayuu Ra'isulwasaare noqdey sanadkii 1997-dii kadib markii cod aqlabiyad ah uu xisbigiisa ka heley baarlamaanka, xiligaasina wuxuu gacanta si fiican ugu dhigay dhammaan laamihii dowladda, marka laga reebo ciidamada xoogga.
Markii dambe waxa uu isku dayay in uu badalo sharciga dalkaasi, islamarkaasina soo rogo ku dhaqanka shareecada islaamka, isaga oo sidoo kale isku dayay in uu si toos ah u maamulo taliyeyaasha ciidanka.
Balse Nawaz ayaa waxaa afgambiyey ciidamada militariga sanadkii 1999-kii , waxaana dalka madaxweyne ka noqdey Jeneraal Perves Musharaf, waa la xirey Nawaz, waxaana lagu xukumay xabsi daa'in, balse heshiis ay garwadeen ka ahayd dowladda Sucuudiga ayaa lagu badbaadiyey Nawaz Shariif, waxaana qaab musaafuris ah dalka Sucuudiga loogu direy isaga iyo 40 xubnood oo qoyskiisa ka mid ah halkaasi oo uu sanado badan ku noolaa.
Xigashada Sawirka, AFP
Taliyihii hore ciidamada Pakistan Pervez Musharraf ayaa xukunka ka tuurey Nawaz sanadkii 1999
Soo rogaal celintii Nawaz
Nawaz ayaa si tartiib tartiib ah masraxa siyaasadda ugu soo laabtay, iyada oo xisbigiisa uu kuraas aqlabiyad ah ka heley baarlamaanka doorashooyinkii dhacay 2013-kii, taasi oo u suurtogalisey in uu noqdo Ra'isulwasaare.
Islamarkiiba xisbiyada mucaaradka ayaa dhigayay mudaaharaadyo soconayay muddo 6 bilood ah oo ay ku curyaamiyeen dowladdiisa, balse ugu dambeyn waa uu ka gudbey qalalaasahaasi siyaasadeed.
Xigashada Sawirka, AFP
Gobolka uu taageerada ugu badan ku leeyahay Nawaz Sharif ee Punjab
Xigashada Sawirka, AFP
Mashruuc uu maalgaliyey Shiinaha oo Pakistan ka dhaqangalaya
Waxyaabaha uu balanqaaday waxaa ka mid ah in uu Pakistan ka dhigi doono "Shabeelka Aasiya", kana horumarin doono dhanka kaabayaasha dhaqaalaha, lana dagaalami doono musuqmaasuqa dowladda dhexdeeda ah.
Balse fadeexadii Waraaqaha Panama ama Panama Papers waxa loo yaqaano markii ay soo shaacbaxday ayay halistii ugu weyneyd soo foodsaartay xukunka Ra'isulwasaare Nawaz Sharif, taasi oo kama dambeys kaliftey in uu xilka isaga dego.
Fadeexadan waxa ay quseysaa lacago la sheegey in dad caan ah oo uu Nawaz ka mid ah ay ku qarsadeen akoono bangiyo ku yaala dalka Panama ee Latin America.
Nawaz ayaa beeniyey eedeymahaasi , garyaqaanadiisana waxa ay soo saareen waraaqo cadayn ah oo xisaab xir ah, balse markii cadaymahaasi la hor geeyey maxkamadda ayaa waxaa la ogaaday in ay been abuur yihiin.
Waxaa cajiib ahayd qaabka lagu ogaaday in cadaymaha ay been abuur yihiin. Waxaa dhacday in qoraalka waraaqaha lagu diyaariyey farta loo yaqaano Calibre, waxayna ku taariikheysnaayeen 2004-tii, balse waxaa la ogaaday in fartani lasoo saaray sanadkii 2007-dii, taasi oo muujineysa in qoraalka la diyaariyey xili aad oga dambeeya xiliga lagu xardhay.