Sudaanta Koonfureed oo diiday guusha jabhadda

Dagaalka sokooye ee Suudaanta Koonfureed oo socda tan iyo sannadkii 2013kii Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalka sokooye ee Suudaanta Koonfureed oo socda tan iyo sannadkii 2013kii

Xoogagga Suudaanta Koonfureed ayaa diiday in ay gacantooda ka baxday magaalada muhiimka ah ee Pagak oo xadka ku taala, taas oo ay qabsadeen toddobaadkii hore.

"Xoogagganagu waxay u dhawyihiin buundada, jabhaduhuna waxay joogaan agagaarka Nyambura, halkaas oo 10km ka fog magaalada Pagak, sida Dickson Gatluak Jock oo ah afhayeenka milatariga uu u sheegay website-ka Idaacadda Radio Tamazuj.

Jabhadaha mucaaradka ah ee xulafada la ah madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar ayaa sheegtay in ay dib u qabsadeen magaaladan muhiimka ah ee ku taalla xadka Itoobiya, ka dib markii ay dagaal adag la galeen 12kii bishan.

Afhayeenka mucaaradka Sarreeye Guuto William Gatjiath Deng, ayaa sheegay in 6,000 oo aad u xoog badan oo ay Juba soo abaabushay la jabiyay, sida uu ku warramay website-ka uu fadhigiisu yahay Maraykanka ee South Sudan News Agency.

Sarreeye Guuto William wuxuu sheegtay in askartii ay jabiyeen ay u firxadeen dhanka Itoobiya, ayna qabsadeen hub iyo rasaas badan ayna si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada.