Madaxweynaha Colombia: Dagaalkii lagula jiray FARC si dhab ah ayuu u soo afjarmay

FARC Lahaanshaha sawirka AFP

Gaarigii ugu dambeeyay ee ay ku raran yihiin hub ay leeyihiin kooxdii hore ee mucaaradka dalka Colombia, ee FARC ayaa laga saaray meelo ka mid ah dalkaasi, iyadoo taageero laga helayo Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha dalka Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa sheegay in tan ay tahay guushii ugu dambeysay ee dalkaasi uu ka gaaro dagaalkii soo jiitamayay muddada konton iyo labada sano ahayd.

Wuxuu madaxweynuhu sharraxaad ka bixiyay sida xoogagga hubeysan ee dalkaasi loogu daad gureyn doono deegaannadii ay ka baxeen kooxda FARC.

Ciidamada ayaa sugi doona ammaanka bulshada iyagoo sidoo kale ka caawin doona dhismaha waddooyinka.

Madaxa howl-galka Qaramada Midoobay ee dalka Colombia, Jean Arnault, ayaa sheegay in toddoba iyo toban kunteenarro ay ka buuxaan hub laga saaray goobaha ku meel gaarka ah. Dagaal-yahannadii hore ee FARC ayaa lagu wadaa in lagu dhex daro bulshada.