Tirada dhimashada Roobab mahiigaan ah oo ka da'ay Congo oo Korodhay

Khariirad Lahaanshaha sawirka .
Image caption Khariirad

Tirada dadkii ku dhintay roobab mahiigaan ah iyo dhoobo soo rogontay bariga dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo ayaa lagu wadaa n ay korodho.

Tirada dhimashada ayaa imika la sheegay in lagu wado in ay gaarto 200 oo qof sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Inta badan dadka dhintay ayaa ka soo jeeda qoomiyad kaluumaysato ah oo deggan harada Albert.

Saraakiisha dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo ayaa waxa ay sheegeen in tiradani ay tahay mid ku salaysan guriyaha burburay ka dib markii buur ku dhawayd ay soo duntay.

Rajada laga qabo in la helo dad ka badbaaday dhacdadani ayaa ah mid sii yaraanaysa maadaama kooxaha gurmadka aysan haysan qalab ay kula tacaali karaan dhagxaanta waawayn ee soo rogmaday.

"Waxa jira dad badan oo qaraqmay kuwaasi oo aan la awoodin in la soo badbaadiyo," waxaa sidaasi wakaalada wararka ee Reuters u sheegay gudoomiya ku xigeenka gobolka Ituri Pacifique Keta.

Buuraha waawayn ee goobtaasi ku yaalla ayuu sheegay Mr Keta in ay xanibeen shaqaalaha gurmadka.

Qayba badan oo ku yaalla galbeedka iyo bartamaha Jamhuurida dimuqraadiga Congo ayaa mar waliba halis ugu jira in marka roobabka da'aan dhoobo badan soo rogonto.

In ka badan 400 oo qof ayaa ku dhimatay 600 oo kalana wa la la'yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib markii musiibo tan la mid ah ay ka dhacday dalka Sierra Leone.