Ganacsatada xoolaha Gaarisa oo ka cabanaysa in aanay jirin meel ay xoolahooda harsadaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsatada xoolaha Gaarisa oo ka cabanaysa in aanay jirin meel ay xoolahooda harsadaan

Ganacsatada xoolaha ee Gaarisa ayaa ka cabanaysa in xoolaha iibka ah aanay heysan meel har ah oo lagu nasiyo.

Ganacsatada ayaa ku doodaysa in canshuur laga qaado, hasayeeshee dowladda deegaanka aanay wax ka qaban cabashadooda.

Seyladda xoolaha ee Gaarisa ayaa ka mid ah suuqyada ugu waa weyn ee dhulka Soomaalida ee lagu kala iibsado xoolaha nool, waxaana xoolaha looga keenaa deegaanno fog fog.

Cabdi Xasan waxa uu ka mid yahay ganacsatada xoolaha ee suuqa Gaarisa, dhibaatooyinka ay qabaan ayuu uga warramay weriyaha BBC-da bashkas Jugsoodhacay.