Rooney oo ka fariisanaya cayaaraha caalamiga ah

Rooney 53 gool ayuu u dhaliyey England Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Rooney 53 gool ayuu u dhaliyey England

Wayne Rooney oo taariikhda kubadda cagta ee Ingiriiska marka la eego dhaliyey goolal aad u badan ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo cayaaraha caalamiga.

Rooney oo 31 jir ah ayaa sheegay inuu go'aankan qaatay, inkastoo uu telefoon u soo diray todobaadkan tababaraha xulka England Gareth Southgate, oo uu u sheegay in dib looga yeeray xulka qaranka.

Rooney wuxuu England u dhaliyey 53 gool muddadii 14ka sano ahayd ee uu xulka qaranka u cayaarayey.

Wuxuu kaloo noqday cayaartoyga loogu safid badnaa xulka, wuxuuna u saftay 119 kulan.

Goolhayihii hore ee qaranka, Peter Shilton, ayaa ka safid badnaa, kaasoo u saftay xulka England 125 goor.